spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Habeenkii Turkigu Soomaaliya badbaadiyay….Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Turkey ayaa ka sheekeeyay.

Habeenkii Turkigu Soomaaliya badbaadiyay….Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Turkey ayaa ka sheekeeyay.

0
43

Axad 28, Dec 2025 {HMC} Habeenkii Turkigu Soomaaliya badbaadiyay…..Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Turkey ayaa ka sheekeeyay.

“22-kii Febraayo 2012, markii Turkigu si weyn uga qayb galay arrimaha Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa doonayay in ay shir u qabato madaxda Soomaaliya kaas oo la soo jeediyay in lagu qabto guddi wadajir ah.

Anigoo matalaya Turkiga, waxaan ka qaybgalay shirka. Ka hor shirka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, William Hague, wuxuu casuumay wasiirrada arrimaha dibadda ee qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Yurub, wuxuuna ku dhiirrigelinayay inay aqoonsadaan Somaliland.

Markii aan fadhiistay, waxaan ku iri: “Anagoo isku dayayna inaan xasillooni ku soo celino Soomaaliya, maxaad u doonaysaan inaad qeybiso?

Miyaadan arkin khataraha ka dhalan kara?” Hague wuxuu yiri: “Somaliland waxay leedahay maamul madax-bannaan 25-30 sano, waa nabad, ma jirto argagixiso, waxayna xaq u leedahay inay dal madax-bannaan noqoto.”

Waxaan ku iri: “Hadday tahay sidaas, maxaadan u aqoonsanayn Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus oo muddo 40 sano ah ismaamul leh, doorashooyin iyo baarlamaan leh?”

Waxaa meesha ka dhacay hadal cad oo muujinaya in qiyaasta aqoonsigu aysan ku saabsaneyn Somaliland lafteeda, balse tahay siyaasadda qaybinta dalalka.

Kadib shirka, waxaan xafiiskeena Soomaaliya ku amray in kulan lala yeesho Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waqtigaas, Ahmed Mohamed Silanyo, si arrintan si wanaagsan loo xalliyo.

Markaas waxaan u diray Keny, safiirkeenii Soomaaliya waqtigaas, inuu qabanqaabiyo kulan dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ee waqtigaas, Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ka qaybgalay shirka.

Maalintii xigtay, Siilaanyo wuxuu kulanka yimid isagoo wata lataliye British ah. Ka dib wada sheekeysi guud, markii uu ka tagayay, waxaan gacanta qabtay madaxweynaha Somaliland oo waxaan ku iri: “Waxaan kugu casuumi doonaa Ankara, laakiin adiga keliya ayaad iman doontaa. Waa inaadan ogolaan qof saddexaad in uu soo dhexgalo Turkiga, Soomaaliya iyo Somaliland”.

Ahmet Davutoğlu, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Turkey ninkii sameeyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee Wax ku ool ahaa ee dhexmara Muqdisho iyo Hargaysa. AUN madaxweyne Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here