Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ayaa ka digay in Shiinuhu uu kordhinayo diyaar garowga ciidan si uu jasiiradda xoog ugula wareego.
Waxa uu sheegay in Taiwan ay soo bandhigi doonto miisaaniyad difaac oo dheeri ah oo afartan bilyan oo doolar ah, si ay u xoojiso go’aankeeda ku aadan is difaaciddeeda, iyada oo diiradda saaraysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalada, iyo difaaca gantaalaha.
Madaxweyne Lai waxa uu sheegay in xaaladda ugu khatarsan aysan ahayn ficil milatari laakiin tahay quusasho – iyo in wax tanaasul ah laga sameeyo gardarrada ay kaliya keenayso dagaal.
Shiinuhu waxa uu u arkaa jasiiradda dimuqraadiga ah inay tahay dhulkiisa, mana uu meesha ka saarin isticmaalka xoog si uu u soo ceshado jasiiradaas.






