Hanjabaada Trump ee Bulshada Soomaalida waa halis aan indhaha laga qarsan karin.

0
24

Khamiis, 4 Dec 2025 {HMC} Hanjabaada Trump ee bulshada Soomaalida waxay u muuqataa inay leedahay halis aan la iska indha-tiri karin, waxa ay doonayaan Jamhuuriga uu Trump ka tirsanyahay inay ku sameeyaan bulshada Soomaalida tijaabada ka dhanka ah cododka soogalootiga ee dimquraadiga u janjeera inay cabsi geliyaan ,waa kan tusaale ku filan sida wax kasta oo dhacaya ay u yihiin arrin siyaasadeed oo ka duwan eedeymaha la jeedinayo;

Fox News oo ah warbaahin u janjeerta xisbiga Trumo ee jamhuuriga ayaa baahisay maqaal la sheegay inay qortay haweenayda fallanqeyaha ah ee Liz Peek.

“Sanado badan ayay koox badankoodna ahaa qaxooti Soomaali ah oo ku nool Minnesota fuliyeen dhac weyn oo lagu lunsaday maal-gelinta gobolka, taas oo fadeexad ku noqotay mas’uuliyiinta Dimuqraaddiga, mar kale na muujisay sida musuqmaasuqu ugu dhex faafay barnaamijyadeena daryeelka bulshada,” ayay qortay Liz Peek.

Waxay intaas ku dartay: “Maxay masuuliyiinta Minnesota hore ugu soo faragelin waayeen xatooyadii cadayd? Waxaa la sheegay inay ka baqayeen inay ka caroodaan bulshada Soomaaliyeed, oo ah cod-bixiyaal muhiim u ah Walz (guddoomiyaha gobolka Minnesota ) iyo siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee kale.”

Waxay ku soo gabagabeysay: “Waxaa laga yaabaa in xatooyadan cad ee Minneapolis ka dhacday ay ku qasbi doonto bixiyeyaasha canshuuraha inay dalbadaan isla xisaabtan dhab ah.

Waxaa laga yaabaa, ugu yaraan, inay ka hor istaagto Tim Walz inuu mar saddexaad isku sharaxo xilka guddoomiyaha gobolka.”

Dagaalka labada maroodi , waa jamhuuriga iyo dimuqraadiga cowska ay ku tumanayaan markan waa Soomaalida , sida ay ugu adkeysan karaana waa midnimo iyo feejignaan ku dhisan sharci.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here