Talaado 7 April 2025 {HMC} Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, Axmed Ciise Gutaale, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, kaas oo diiradda lagu saaray hirgelinta heshiis Is-faham oo u dhexeeya hay’adaha kormeerka maaliyadda ee labada dal.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinaca hufnaanta maaliyadeed iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Heshiiskan Is-fahamka ah ayaa horey loo saxiixay bishii July 2025, waxaana uu u dhexeeyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Maxkamadda Xisaabaadka ee Turkiga.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhowr arrimood oo muhiim u ah horumarinta hay’adaha kormeerka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta hantidhowrista, Tababarro iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha, Taageero farsamo oo lagu horumarinayo hababka kormeerka maaliyadeed iyo hagaajinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo hufnaanta dowliga ah.
Hantidhowraha Guud, Axmed Ciise Gutaale, ayaa intii uu socday kulanka carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay horumarinta hay’adda uu hoggaamiyo, isaga oo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay nidaamyo casri ah oo lagu xaqiijinayo ilaalinta hantida dadweynaha.
“Iskaashigan wuxuu naga caawin doonaa in aan dhisno hay’ad hantidhowr oo awood leh, isla markaana la jaanqaadi karta heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud.
Dhinaca kale, Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktaş, ayaa muujiyay sida ay dowladda Turkigu uga go’an tahay taageeridda hirgelinta heshiiskan, isagoo xusay in hay’adda TİKA ay door muhiim ah ka qaadan doonto fulinta barnaamijyada tababarka iyo taageerada farsamo.
Safiirka ayaa tilmaamay in horumarinta hay’adaha hantidhowrka ay laf-dhabar u tahay dowlad wanaagga, isla markaana ay muhiim u tahay xoojinta kalsoonida dadweynaha iyo maalgashadayaasha.
Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn u kobcayay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha, amniga, iyo dhaqaalaha, iyadoo heshiiskan cusub uu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.



