Hantidhowrka Guud Qaranka oo eedeeyn culus u jeediyey Maxkamadaha dalka.

0
20

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Hantidhowrka guud Qaranka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale oo Shirjaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka ay diideen ka qaybgalka iyo fulinta baarista sanadlaha ah uu Xafiiskaan sameeyo.

Mr Guutaale ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka aanay caddayn sabab & cudurdaar maangal ah oo ay ku diideen baaris sanadeedka Xafiiska Hantidhowrka Qaranka oo Hay’ado kala duwan oo Dowladda ay mareen.

Maxkamadda Sare ee dalka oo Miisaaniyadda dowladda sanadkii tagay 2024 ah $2,715,177 ayuu Xafiiska Hantidhowrku sheegay in ay diiday barista.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo iyanna miisaaniyadda ku lahayd $937,179 & Maxkamadda gobolka Banaadir oo ah $2,110,504 ayaa qudhooda diiday sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Ciise Guutaale.

Edeyntaan ayaa yimid xili uu horey u jiray khilaaf iyo muran u dhexeeya gudoonka maxkamada gobolka Banaadir iyo Hantidhowrka guud Qaranka JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale kaasoo markii dambe gaaray meel adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here