Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Dalka Ukraine ee SBU iyo laanta sirdoonka milatariga Ukraine ayaa wadajir ah u fuliyay howlgal lagu qarxiyay labo markab oo qaada shidaalka Ruushka , xilli uu marayay badda madow ee ku dhow xeebaha Turkiga, iyadoo weerarka loo adeegsaday doomaha is qarxiya.
Labada markab oo laga badbaadiyay shaqaalihii sarnaa ayaa hadda ku dhow inay quusaan, waxaana lagu sheegay warbixin laga soo xigtay SBU inuu Ruushka ku waayay 70 milyan oo dollar oo shidaal ay maraakiibtan daabulaan.



