Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey amniga caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ku qabsoomay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.
Kulanka, ayaa looga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay caasimadda, gaar ahaan dhacadadii saldhigga degmada Warta-nabadda, ayey xubnaha kulanka yeeshay waxa ay isku raaceen, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Wasiirrada ee xakamaynta hubka, in aan lagu dhex wadan karin caasimadda, hubka culus, sida baasuukaha dhashiikaha Beekaamka iyo qoryaha lamid ka ah.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in sharciga dalku uu oggol yahay qabsoomidda bannaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda ku soo gudbinayaan, balse aan la aqbali karin bannaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaas oo wax yeellaya amniga, isla markaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.
Wasiirka, ayaa faray mulkiilayaasha leh hotellada ku yaalla caasimadda, in ay ilaaliyaan sharciga, isla markaana cid aan ogolaansho u haysan aysan ku qaban karin goobahooda ganacsiga shirar lagu carqaladaynayo amniga iyo dowladnimada, isaga oo sidoo kale faray hey’adaha amniga in tallaabo cad ay ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta.
Wasiirka Fartaag, ayaa ku bogaadiyey ciidanka amniga sida ay uga hortageen weerarkii shalay ay garab ka tirsan madasha samatabixinta ku qaadeen saldhigga warta-nabadda, isla markaana ay ciidanka amnigu xakameeyeen in dhibaato intaas ka badan aysan ka dhalan falka.






