spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Hindiya jawaab ka bixin doonto qaraxii ka dhacay Delhi

Hindiya jawaab ka bixin doonto qaraxii ka dhacay Delhi

0
21

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Hindiya Amit Shah oo tagay goobta uu ka dhacay qaraxa galaaftay nolosha 9 qof isla markaana sababay dhaawaca 20 kale ayaa ku hanjabay in ay tallaab culus oo ka dhan ah ficilkaas ay qaadayaan.

Amit ayaa sheegay in weerarkaas loo adeegsanayo xeerka la dagaalka Waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ si ciqaab adag loo mariyo Dadkii abaabulay ama wax ka ogaa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya.

 

 

Laamaha ammaanka ee Delhi ayuu faray in ay si degdeg ah usoo gudbiyaan natiijo lagu qanci karo oo dhan weliba laga soo hubiyay maadaama tallaabada jawaabta ah ee la qaadayo ay tahay mid aad u culus sida uu yiri.

“Waxa aan baaraynaa dhammaan suurtagalnimada weerarkaan, waxaana samayn doonnaa baaritaan dhameystiran oo dhinac kasta laga eegayo. Waxa aan u adeegsan doonnaa qodobka qeexaya la dagaalanka argagixisada, natiijooyinkana shacabka ayaan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya Amit Shah.

Weerarka ka dhacay Magaalada Delhi gaar ahaan Agagarka Red Fort waxa uu dadka dib u xusuusiyay weerar sidaas oo kale uga dhacay dhowr iyo toban sanno kahor oo lagu beegsaday ajaanib dalkaas joogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here