spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Hindiya oo Go’aan Adag Kasoo Saartay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Hindiya oo Go’aan Adag Kasoo Saartay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0
27

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Dalka Hindiya oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa si cad uga hor yimid aqoonsiga Benjamin Netanyahu uu 26kii Bishii December 2025 ku sheegay in uu ku aqoonsaday Somaliland iyada oo Xukuumadda Dehli ay ku baaqday in la ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya Randhir Jaiswal ayaa sheegay in Xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Soomaaliya sidaas awgeed Dowladdooda ay garab taagan yihiin Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Randhir ayaa intaas ku diray in Soomaaliya ay ku dhinac taagan yihiin kahortagga wax weliba oo kala qaybinaya sidaas awgeed ka Hindiya ahaan ay jiraan dhinaca ilaalinta Shuruucda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay oo lagu caddeeyay dal weliba waxa uu yahay.

“Hindiya waxa ay xiriir taariikhi ah oo fog la leedahay Soomaaliya, waxa aan adkaynaynaa in lagu ixtiraamo Madaxbannaanideeda iyo wadajirkeeda Dhuleed lana ilaalinyo shuruucda Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay” Ayuu yiri, Afhayeenka u hadlay Hindiya.

Israa’iil ayaa ku geli noqotay aqoonsigii iyo safarkii xadgudubka ahaa ee Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda uu dhowaan ku tagay Magaalada Hargaysa, waxaa todobaadkii hore ay jab siyaasadeed kala kulantay fadhigii Golaha Ammaanka oo garab ay ka waysay Tel Aviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here