Hirshabeelle oo DF ku eedeysay inuu Istaagay dagaalkii u dhaxeeyay AS iyo Macawiisleeyda Hiiraan

0
38
Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Wasiirka arrimaha gudaha maamulka  Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore  ayaa si adag ugu eedeeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya inuu is taago dagaalkii mudada dheer dadka reer Hiiraan kula jireen Maleeshiyaadka AS

Wasiir Karoore ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda reer Hiiraan ineysan dowladda Fedaraalka ka helin taageeradii ay u baahnayeen, taasina ay keentay inuu hakad ku yimaado dagaalkii ay kula jireen kooxda.

“Dowladda Fedaraalka waxay si cad u dayacday Macawiisleyda oo markii hore ciidamada dowladda ee ku sugnaa Hiiraan awood ahaan waxay ku tiirsanaayeen Macawiisleyda, markii la jabayna waxay ahayd in dowladda la jabtay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Karoore in Macawiisleyda reer Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka ka dhanka ah AS, islamarkaana si muuqato loo arkay guulahii ay ka gaareen dagaalka AS

“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda, ma aha dad caado u leh inay dawarsadaan, maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah oo garabkooda waxay ka waayeen Dowladdii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Karoore.

AS ay dib ula wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo horay kooxda looga xureeyay laba sano ka hor.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here