Hogaamiyaha Ciidamada RSF ee Dalka Suudaan oo Cunaqabateyn lagu so Rogaayo.

0
86

Axad-21-April-2024 {HMC} Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka Mareykanka ayaa ugu baaqay Biden inuu go’aan ka gaaro in cunaqabateyn lagu soo rogo Ciidamada RSF ee Sudan iyo hoggaamiyahooda Mohamed Hamdan Dagalo.

Haddii Mareykanka soo saaro cunaqabateynta RSF, markaa Imaaraadka ayaa ku qasbanaan doona inuu joojiyo taageerrada uu siiyo, waxa xigana waa inay noqdaan RSF jabhad burburta oo dib isugu dayda si ay u noolaadaan inay ku dhaqaaqan dhac iyo ficil kasta oo ka fog xasillooni.

Dalka Sudan hadda waxay gashay burbur ay wax walba ku wayday, dalkaanna waqti ayay ku qaadanaysa inuu dib usoo celiyo nidamkiisa, sababto ah jeneraalo ayaa iyagoon xisaabin waxa xiga waxay ku dhaqaaqeen afgambi, iyaga ayaa haddana gacmahooda ku burburiyay dalkii oo dhan. Runtii waxaan is waydiiya,

 

Sidee ayay hal waddo oo isku mid ah u qaadeen jeneraaladii Soomaaliya iyo Sudan , si ay dalkooda u burburiyaan? Ma waxaa jirta istiraatijiyad qoran oo qayb ka ah hababka lagu dhaliyo in dal nidaamkiisa lagu tirtiro?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here