Arbaco1 April 2026 {HMC} Farriintii ugu dambeysay ee uu soo diray, hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradiisa uu u hayo hoggaamiyaha ururka hubeysan ee Lubnaan ee Hezbollah, Naim Qassem.
Farriinta ayaa sidoo kale muujisay “mahadnaq” ku aaddan tacsi ay Hezbollah ka bixisay dilkii hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, oo ahaa aabbaha Mojtaba Khamenei, kaas oo la dilay 28-kii Febraayo — maalintii ugu horreysay ee weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah ama kama uusan soo muuqan warbaahinta Iran tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis 8-da Maarso.
Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa horey u ballanqaadday — kahor iyo kadibba xil la wareegistiisa — inuu noqon doono bartilmaameed.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, sababtoo ah cidna muuqaalkiisa ma arag ama ma maqlin.”
Dhanka kale, safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei ee goobaha dadweynaha ay sabab u tahay “arrimo amni.”



