Jimc 20 Feb 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Kooxda Gurmadka Degdega ah ee Suudaan loona soo gaabiyo RSF, Maxamed Xamdaan Dagaalo ayaa gaaray Dalka Uganda isaga oo lagu wado in uu la kulmo madaxda Dalkaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Uganda oo geeyay goob loogu talagalay maadaama uu ka qaybgalayo shirar looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda, Amniga iyo kuwa kale ee ka jira Dalka Suudaan ee dhaca Waqooyi Qaaradda Afrika.
Kooxda RSF ayaa dhibaatooyin kala duwan ka gaysatay Suudaan iyada oo garab ka helaysa Dowladda Isutagga Imaaraatka Carab, dhacdadii ugu xannuunka badnayd waa toogasho wadareedkii ay ka gaysatay Magaalada Al-Faashir ee Gobolka Daarfuur.
Hoggaamiyaan ayaa yareeyay safarrada dibadda ah wixii ka danbeeyay markii maleeshiyaadkiisa ay gacantooda ka baxeen Magaalooyin badan oo ay ugu horrayso Caasimadda Suudaan ee Khartuum oo si buuxda dib ugu laabatay Xukuumadda.






