Khamiis 23, Oct 2025 {HMC} Hoggaamiyaha kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan , Cabdiraxmaan Hamdan Dagalo ayaa markii u horreysay muuqaal uu baahiyay wuxuu digniin u diray dalalka taageerra milatariga Suudaan ee laga soo kiciyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo saadka, isagoo sheegay inay u aqoonsanayaan bartilmaameed sharci oo ay weerarrayaan.
Milatariga Dalka Suudaan, waxay inta badan sahayda iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsataa dekedda Port Sudan iyo saldhigyada ku hareeraysan, laakin go’aanka hadda ka soo baxay Dagalo ayaa xujo ku noqon kara isla iyaga, sababtoo ah saadka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee RSF ay adeegsato waxaa laga soo kiciya saldhigyada waddamada dariska, haddii milatariga Suudaan uu mowqifka la mid ah RSF qaataan, waxay kooxdan geli doontaa go’doon , dagaalka ayaana ka bixi kara xudduudaha.






