Khamiis, 21 Aug 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 81-aad ee Guutada 77-aad, ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Muryaale iyo Deeganley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday goobaha ay Khawaarijtu kasoo maleegaan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.
Taliyaha Ururka 81-aad, Gaashaanle Cabdi Yare Erag, ayaa sheegay in inta lagu guda jiray howlgallka ay ciidamada kusoo qabteen rag looga shakiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo gabaad ka dhiganayay deegaannadaas.
Deegaannada ay ciidanku ka sameeyeen howlgalka ayaa u dhow degmada Balcad, waxaana ciidanka Xoogga Dalka ku guuleysteen xaqiijinta amniga goobahaasi, kuwaas oo mararka qaar Khawaarijtu ka geeysan jireen falal liddi ku ah shacabka iyo beeraleyda deegaanka.






