Howlgal gaar ah oo lagu diray Sargaal sare oo ka tirsanaa AS.

0
26

Arbaco 3,Sep 2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada NISA ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgaka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Shaw oo qiyaastii 20 KM dhanka galbeed ka jira demada Jalalaqsi, iyada oo uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo sheegay in ciidamada howlgalka qaaday ay soo dileen horjooge sare oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullahi Dalab, isa markaana magaciisa afgarashada uu ahaa (Caamir), kaas oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaana ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu ahaa halis, isla markaana uu ka howlgali jiray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle.

Ciidamada NISA ayaa soo afjaray, kadib markii ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Caamir, waxaana sidoo kale jira khasaare kale oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaasi.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeya oo dhacay bartamaha bishii hore, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Howlgalka kale oo isna dhammaadkii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

Taliska NISA ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan beegsiga kooxaha Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaannada ay ku sugan yihiin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here