spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Howlgal ka dhacay Badhaadhe oo Lagu dilay 25 AS ah, Halka Nolosha...

Howlgal ka dhacay Badhaadhe oo Lagu dilay 25 AS ah, Halka Nolosha lagu qabtay 13 Kale.

0
29

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ciidamada Dowlad-goboleedka Jubaland oo garabsanaya Ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boqolaal Shabaab ka tirsan ku dilay howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday dagaalamauyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay in ka badan 250 ka tirsan Al-Shabaab, halka 13 xubnood oo kale lagu qabtay iyagoo nool.

Jubbaland waxay sheegtay in ccidamadu ay la wareegeen hub iyo gaadiid ay Alshabaab u adeegsanayeen falalka amni darrada ah.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay ciidammada fuliyay howlgalka, isaga oo xusay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonto iskaashiga laamaha amniga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida shacabka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Alshabaab weerareen jazeeradda Kudhaaa, halkaas oo ay qabsadeen inkastoo markii dambe ay ciidamada Jubbaland dib uga qabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here