spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Howlgal qorsheysan oo Laga Fuliyay Deegaanka Abooreey.

Howlgal qorsheysan oo Laga Fuliyay Deegaanka Abooreey.

0
38

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku qaadeen Deeganka Aboorey ee gobolka hiiran

Taliyaha Ururka 8’aad Guutada 18’aad Qeybta 1’aad kuma gorgor Dhamme Naqiib Cabdullahi Xersi oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Xaqiijiyay in jab Xooggan uu Khawaarijta dhiig miiratada ah ka soo gaaray Howlgalka.

Sidoo kalana lagu Khaarijiyay horjoogayaal ku howlanaa Farsameynta qaraxyada iyo Aasidda Miinooyin ay ku dhagri lahaayeen Shacab Masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Howlgalka ayay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah uga fuliyeen Deeganka Aboorey Ee gobolka hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here