Howlgallo Qorsheysan oo lagu Dilay 13 Xubnood oo Ka Tirsan AS ayaa Laga fuliyay Sh/dhexe.

0
30

Jimco 11 July 2025 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabqab, oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Howlgaladan ayaa ka kala dhacay Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo Ceelbaraf, iyadoo ciidamada NISA ay sheegeen in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyo iyo hub keyd ah oo ay kooxda Al shabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ugu horreeyay ayaa ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoos taga degmada Raagaceelle, Sida ay sheegeen saraakiisha NISA, kooxda la beegsaday ayaa muddo afar maalmood ah isku abaabulayey halkaasi.

NISA ayaa bur buriyay teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay kooxda ka dhisteen hooska geedaha.

Inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey, ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qorshe ay Al shabaab ku doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, Waxaana goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Ciidamada ayaa halkaas ku beegsaday koox Al shabaab ah oo la tuhunsanaa in ay qorsheynayeen falal argagixiso, Ilaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu dilay halkaas.

Taliska NISA ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al shabaab ee ku sugan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here