Jimco 5 Sep 2025 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka ayaa howlgalada ku beegsaday tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan AS
Taliye Munye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda AS laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan ugu sugan yihiin maleeshiyaadka AS waxaana halkaasi ciidamada xoogga dalka ay mudo dheer ka wadaan howlagalada ka dhanka kooxda AS.



