howlgalo maanta ka socda Sh/Hoose & Saraakiil Booqatay .

0
11

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Ciidanka Qalabka Sida ayaa saacadihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo lagu xaqiiijinayo amniga ka wada deegaanno hoos yimaada gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga dalka iyo Ciidanka Sirdoonka NISA ayaa kormeeray askarta ku kala sugan deegaannada xeebta sida Gandarshe iyo Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaarey deegaanka deegaanka Gandarshe iyo tuulooyinka hoos yimaada.

May be an image of one or more people

Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka oo uu ugu horreeyo Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Kornayl Saahid Jareere, isagoo faray in ay dardar galiyaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa safar saacado kooban ah ku tagey deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

No photo description available.

Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada, isagoo kula dardarmay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah AS.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa guud ahaantiisa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah AS, kaasi oo ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here