IGAD oo sheegtay in ay ka shalaayneyso in Eritrea ka baxday Ururka.

0
14

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} IGAD ayaa sheegtay in ay ka “shalaynayso” in Eritrea ka baxday Ururka oo muuqda mid gacanta u galay Itoobiya. IGAD ayaa sheegtay in Eritrea aysan ka qaybgalin kulamada iyo shaqooyinka ururka tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay Ururka sanadkii 2023.

Eritrea, ayaa sanadkii 2007 sidaan oo kale ka baxday Ururka markaas oo diiday go’aankii ciidanka Itoobiya ku weerareen Muqdisho.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 ku goodisay in ay ka baxayso Ururka ka dib hadal dhex dhexaad u muuqday oo ururka ka soo saaray markii Itoobiya ay heshiiskii muranka dhaliyay la gashay Muuse Biixi Cabdi madaxweynihii hore ee Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here