Jimco, 22 Aug 2025 {HMC}Â Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Araqchi ayaa Jimcaha si wada jir ah khadka taleefoonka kula hadli doona dhiggiisa Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka, si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyeerka iyo cunaqabataynta saaran dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.
Saddexda quwadood ee ka tirsanYurub ayaa ku hanjabay in ay cusboonaysiin doonaan cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Iiraan saaran, haddii aanay Iiraan ku soo laaban miiska wada xaajoodka ee barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Wadammadan oo uu weheliyo Mareykanka, ayaa ku doodaya in Iiraan ay u adeegsaneyso barnaamijka Nukliyeerka si ay u horumariso dhinaca hubka.
Hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada adduunka ayaa sheegtay in Iiraan aanay sinaba u doonayn in ay samaysato bam Nukliyeer ah, waxaana agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka Tulsi Gabbard uu bishii March sheegay in saraakiisha sirdoonku aanay helin caddaymo muujinaya in Iiraan u dhaqaaqday farsamaynta hub nukliyeer ah.






