Jimco 20 March 2026 {HMC} Meel kamid ah hawada dalka Iiraan ayaa maalinimadii Khamiista, 19kii Maarso, ayaa gantaal ama wax u eg uu ku helay diyaarad Mareykanku leeyahay oo F-35 ah. Milateriga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday rasaas looga shakisan yahay inay ka timid dhanka Iiraan xilli ay ku jirtay hawlgal dagaal, waxayna ku guulaysatay inay si degdeg ah ugu degto saldhig diyaaradeed oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.
Pentagon-ku wuxuu dhacdadan ku tilmaamay mid baaritaan lagu sameynayo oo jirta. Waana weedh la dhihi karo waa la filayay oo taxadar ayay ka muujinayaan intaysan wax sheegin. Laakiin dhacdadani si walba taxadar uga dheer, oo waa ba mid aan hore loo arag.
In ka badan toban sano oo hawlgalo dagaal laga fulinayay Suuriya, Liibiya, Qasa iyo meelo ka baxsanba, ma jirin F-35 waligeed lasoo sheegay in ay ku dhacday rasaas cadow. Rikoodhka diiwaankaas hadda Iran ayaa soo afjadhay.
Waxa ay Iiraan Khamiistii samaysay waa inay burburisay dooddii ololaha cirka ee laga iibiyay caamadda, si dad badan u aaminaan caqiidada ah in wax kastoo dhaca aan la beegsan karin F-35.
F-35 waxaa lagu dhisay hal istiraatiijiyadeed oo abuurkeeda oo dhan ubuc u ahayd. Richard Aboulafia, maamulaha shirkadda la talinta ee Maraykanka ee AeroDynamic Advisory ahna mid ka mid ah codadka loogu tixraaca badan yahay falanqaynta duulista milateriga, ayaa mar dhexdaas ah F-35 ka yiri: “Wax walba oo cirkaa heehaabaya, si kastuu u hormarsan yahay, waa wax mar uun ishu qaban kadho. Fikirka ah inaad haysato qalab ku qarinaya waa mid aad u khatar badan., oo jar kaa tuuri kara.”
Hadalkaas dad badan ayaa u qaatay inuu ku liidayo tayada diyaaradda. Laakiin, wuxuu saxayay khuraafaad barnaamijka diyaaraddani laftiisu gacan ka geystay dhisiddiisa.
Lockheed Martin waxay ku tilmaantay F-35 inay awood u leedahay inay u shaqayso sidii calaamad le’eg xajmiga kubbadda golf-ka, taas oo si wax ku ool ah aan looga arki karin raadaarka marka ay fog tahay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si ku celcelis ah marar badan u dhiirrigeliyay barnaamijkan, isagoo isu-soo-baxyo kala duwan ugu sheegay taageerayaashiisa in diyaaraddani ay tahay mid aan la shiishi karin.
Warkaas waxaa diiday reer Tehran. Oo Trump ku yiri, ku laabo halkaas aad ku sheegtay inay tahay mid aan la haleeli karin.
XIGASHO BBC



