Iiraan oo farriin ka dhan Mareykanka u dirtay Sacuudiga.

0
9

Talaado 31 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa ugu baaqay Sacuudi Carabiya inay ka saarto ciidammada Mareykanka dhulkeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in weerarrada Iiraan ee gobolka ay bartilmaameedsadaan oo keliya cadawgeeda.

Caraqji ayaa ku sheegay bartiisa X: “Iiraan waxay ixtiraamtaa Sacuudi Carabiya, waxayna u aragtaa dal walaalo aan nahay.”

Wuxuu intaas ku daray: “Hawlgaladeennu waxay beegsanayaan kuwa gardarrada wada ee aan ixtiraam u hayn Carabta ama Iiraaniyiinta, isla markaana aan wax amni ah keeni karin… Waa waqtigii ciidamada Mareykanka laga saari lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here