Sabti 4 April 2026 {HMC} Dawladda Iiraan ayaa ku hanjabtay duqeymaha Mareykanka iyo Israa*l ay ku beegsanayaan xarumaheeda Nukliyeerku inay soo afjari doonaan nolosha caasimadaha dalalka Khaliijka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Iiraan Abbas Araghchi ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku yiri:
“Ma xasuusataan caradii reer galbeedka ee ku aaddanayd wixii ka dhashay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine? Isbahaysiga Israa’iil iyo Maraykanka waxay hadda afar jeer duqeeyeen warshadayada Bushehr.
Saamaynta haraaga sunta nukliyeerka waxay soo afjari doontaa nolosha caasimadaha dalalka Khaliijka, ee ma ahan Tehran.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi.



