Iiraan oo ku hanjabtay inay weerari doonto bangiyada Mareykanka iyo Israa’iil e Bariga Dhexe

0
8

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Afhayeen u hadlay Khatam al-Anbiya, oo ah guddiga ugu sarreeya ee isku-dubaridka militariga Iiraan, ayaa ku hanjabay in Iiraan ay weerari doonto bangiyada Israa’iil iyo kuwa Mareykanka ee gobolka, si ay uga aargudato waxa uu ku sheegay “weerar lagu qaaday bangi ku yaal Iiraan”.

Ebrahim Zolfaghari, ayaa ka digay in “dadka ku nool aaggaas aysan u dhawaan bangiyada masaafo dhan hal kiiloomitir,” sida uu ku warramay telefishanka dawladda Iiraan, IRNA.

“Cadowgu wuxuu na siiyay xorriyad aan ku weerarno hay’adaha dhaqaalaha iyo bangiyada” oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa’iil, ayuu yiri Zolfaghari.

IRNA waxay sidoo kale sheegtay in la weeraray dhisme uu leeyahay Bank Sepah, oo ah bangi ay dowladdu leedahay oo ku yaala magaalada Texraan.

Talaadadii, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado ka jira howlaha bangiga Sepah iyo bangi ay dowladdu leedahay oo lagu magacaabo Melli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here