Axad 1 March 2026 {HMC} Dalka Iiraan oo hoggaamiyahooda, Taliyihii ugu sarreeyay ee ciidanka Kacaanka, Lataliye iyo Wasiirkii Gaashanadhigga Dalkaas laga dilay isla markaana ku jira xaalad dagaal ayaa billaabay buuxinta boosaska ay ka dhinteen mas’uuliyiintaas.
Meelaha si dhow indhaha loogu hayo waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka ilaalada Kacaanka oo loo magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Vihidi oo la sheego in uu yahay Khabiir ciidan iyo nin aad u garanayo xeeladaha dagaalka.
Axmed waxa uu horay usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga sidoo kale waxaa markale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Iiraan, waxaa intaas dheer in uu kamid noqday Taliyeyaal katirsan taliskaas oo laf dhabar u ah difaaca Xukuumadd Tehran.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan waxa uu ku biiray sanadkii 1979kii, December sanadkii 2025 ayaa loo magacaabay in uu noqdo ku xigeenka Taliyaha Ciidankaas, waa sarkaal aqoon u leh ciidanka Cirka waana meesha ugu weyn ee dhibaatada uga socoto dalkiisa.
Vahidi waxaa raadinaya Booliiska Adduunka ee INTERPOL maadaama lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii lagu beegsaday dad yuhuud ah ee dhacay 1994 kuwaas oo la socday Diyaaradda Buenos Aries ee Argentina halkaas oo lagu dilay Dad badan.
Maraykanka & Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa horay ugu soo rogay cunaqabatayn dhaqaale mar haddii ay suuragali waysay in gacanta lagu soo dhigo Taliyahaan oo katirsanaa guutada Qudus ee Ciidanka Cirka Ilaalada Kacaanka Iiraan.






