Iiraan oo miinooyin badeed ku aastay gudaha marinka Hormuz.

0
25

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Warar kasoo baxaya ilo la xiriira sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Iiraan ay qaaday tallaabooyin la xiriira dhigista miinooyin badeed gudaha marinka Hormuz, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee maraakiibta tamarta adduunka ka gudbaan.

Marinkan istaraatiijiga ah ayaa qaada qiyaastii shan-meelood-meel saliidda cayriin ee caalamka, taasoo ka dhigaysa meel aad u xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh ganacsiga tamarta iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Sida ay tilmaameen laba qof oo xog ogaal u ah warbixinnada sirdoonka Mareykanka, dhaqaaqan ayaa laga yaabaa inuu qayb ka noqdo xiisadda militari ee sii kordheysa ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo in marinkaasi noqdo goob khatar ku ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa saliidda.

Marinka Hormuz wuxuu isku xiraa Gacanka Carabta iyo Badweynta Hindiya, waxaana maalin kasta ka gudba malaayiin foosto oo saliid ah oo u socda suuqyada caalamka. Khalkhal kasta oo ka dhaca halkaas wuxuu si toos ah u saameyn karaa qiimaha saliidda iyo dhaqaalaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here