spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Iiraan oo qabatay laba markab oo shidaal qaada xilli ay ku sugnaayeen...

Iiraan oo qabatay laba markab oo shidaal qaada xilli ay ku sugnaayeen Gacanka Faaris.

0
10

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Iiraan ayaa qabatay laba markab oo shidaal qaada xilli ay ku sugnaayeen Gacanka Faaris, waxayna xirtay ku dhowaad 15 shaqaale ajnabi ah oo la socday.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in maraakiibtaas loo qabtay eedo la xiriira tahriibin shidaal, balse lama sheegin dalalka laga leeyahay iyo halka ay ka soo jeedaan shaqaalaha la socday , sida ay werisay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim.

Qabashada maraakiibta waxay dhacday xilli xiisadda gobolka bariga dhexe sare martay, kaddib markii Mareykanku uu ciidan badeed u diray gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here