Jimco 30, Jan 2026 {HMC} Dalka Iiraan ayaa bandhig Militari ka sameeyay Gacan Biyoodka Hormuz si Xukuumadda Tehran ay u muujiso awooddeeda Ciidan inta uu gaarsiisan yahay, jawaabta ay ka bixin karto weerarada Maraykanka & Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee Gobolka ku leedahay.
Sida uu baahiyay Teleefishinka Press TV ee laga leeyahay Dalka Iiraan, Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay kahortagga iyo ka jawaabista Daan-daansiga Maraykanka, Israa’iil iyo xulufadooda ay wadaan.
Iiraan ayaa tilmaamtay in ay wax badan ka baratay weerraro horay uga dhacay Dalkeeda oo ay ku fashiliyeen Israa’iil iyo Maraykanka, Tehran ayaa shaacisay in ay dhinac weliba iska soo dhistay marka la eego awooddeeda.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in haddii ay buuxiso ay ka badbaadi doonto weerarrada Washington iyo xulufadeeda ay la damacsan yihiin Dalkaas sida uu hadalka u dhigya.
Wasiirka Difaaca Maraykanka ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Maraykanka ay u diyaarsan yihiin fulinta amar weliba oo kasoo yeero Madaxweyne Donald Trump, waxaana uu intaas ku daray in ay diyaar noqdeen oo heegan buuxa galeen.
Iiraan ayaa dhowaan soo afjartay dibadbaxyo laga soo abaalay dibadda, waxa ay shaacisay in ujeedkii laga lahaa uu fashilmay laguna doonayay in dalkaas looga dhex abuuro qalqal siyaasadeed mid amni iyo in lagu dhex dhuunto Dadkaas.





