Sabti 4 April 2026 {HMC} Masuul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in aysan ‘’weli suulin dadaalada sii soconaya ee ay ku baadigoobayaan duuliyaha Maraykanka ee ‘diyaaradu kula dul dhacday Iiraan’, ayna wadaan soo qabshadiisa’’ sida ay sheegtay BBC Arabic.
Saraakiisha Iiraan waxaa ay soo bandhigeen abaalmarin gaaraysa ilaa £50,000 oo u dhiganta $66,100 doolar oo la siinayo muwaadiniinta ka caawiya dowladda soo qabashada duuliyaha la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Iiraan ayaa sheegtay inay soo riday diyaada A-10 ee qaybta ka ah howlgalka badbaadinta iyo baadigoobka ee diyaaradii koowaad ee lasoo riday.



