Iiran oo gacanta ku dhigtay markab shidaal oo siday 6 milyan oo litir oo naafto ah.

0
12

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Iiraan ayaa gacanta ku dhigtay markab shidaal oo siday 6 milyan oo litir oo naafto ah oo warbaahinta dawladda Iiraan ay sheegtay in si sharci-darro ah loo tahriibinayay, balse lama sheegin cidda iska leh iyo macluumaad ku saabsan, sida ay waxyar ka hor baahisay Reuters.

Tallaabadan waxay Iiraan qaaday , kadib markii maanta warbaahinta Mareykanka ay shaacisay inuu bishii hore Mareykanka burburiyo agab milatari oo markab Shiinaha ka yimid uu u waday Iiraan, xilli uu marayay badweynta Hindiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here