Isniin 12, Jan 2026 {HMC} Ilaalada Maduro , ayaa markii u horreysay soo bandhigay wixii dhacay markii ciidanka Mareykanka ay ka soo ka xeysteen gurigiisa, xilli boqollaal askari oo ilaali ah ay joogeen, iyadoo sheekada laga soo bandhigay mid ka mid ah ilaalada madaxweynihii Venezuela oo hadda ku xiran Mareykanka uu sheegay , waxa habeenka dhacay inay ahayd wax aysan horey usoo arag, isla markaana ay awooddi waayeen inay ka hortagaan ciidanka ka xeystay Maduro.
Wuxuu intaa ku daray marka la waydiiyay sababta aysan u adeegsan hubkooda si ay uga hortagaan in Maduro la ka xeysto; ““Arrintu hub oo keliya ma ahayn. Hal mar waxay adeegsadeen wax aanan si fiican u sharrixi karin.
Waxay u ekeyd cod aad u xoog badan. Waxaan dareemay madaxayga oo gudaha ka qarxaya. Dhammaanteen sanka ayaan dhiig badan ka daadinay. Qaar baa dhiig matagayay.
Dhulka ayaan ku dhacay, mana dhaqaaqi karin.”
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt oo marka sheekadan warbaahinta ay baahisay dib ula wadaagtay , waxay tiri ; “Joojiya waxaad ka hadlaysaan oo akhriya sheekadan.” Hadal u muuqda ; Arag awoodda uu Mareykanka leeyahay!






