spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ilaalada xeebaha Jabuuti oo badbaadiyey kalluumaysato reer Somaliland ah oo la weysanaa...

Ilaalada xeebaha Jabuuti oo badbaadiyey kalluumaysato reer Somaliland ah oo la weysanaa mudo bil ah.

0
106

Khamiis, 9,Jan 2025 {HMC} Kalluumeysato muddo bil ku dhow lagu la’aa xeebaha Somaliland ayaa iyaga oo bad qaba hadda laga helay xeebaha dalka Jamhuuriyadda Jabuti.

Ciidaanka ilaalada xeebaa dalka Djibouti oo ku guuda jira howlahoda ilaalinta xeebaha ayaa soo samatabixiyaay saddex kaluumaysto oo bil ka hor ka soo shiraacday magaalada Berbera.

Kalluumaysatdaan ayaa sheegay in cilladi kaga timid laashkii oo beterigii uu ka dhacay sidaasna ay 19 beri ku dul sabeynayeen badda.

Saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in ay hadda ka caawinayaan kalluumaysatadaan in ay ku laabtaan deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen ee gudaha Somaliland.

Saddexdaan nin ayaa sheegay in xaaladoodu ay wanaagsantahay isla markaana ay ciidamadu si wanaagsan u soo dhaweeyeen oo u gacan siiyeen, haddana ay dib ugu laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here