Ilhaan Cumar ayaa edeyn u jeedisay Donald Trump & Ciidamada ICE”

0
12

jimco 27 March 2026 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa weerar afka ah oo aan dadbanayn ku qaaday Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ciidamada qaabilsan la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah ee ICE loosoo gaabiyo oo muddooyinkii dambe howlgallo culus ka waday gobolka laga soo doorto ee Minnesota.

Ilhaan Cumar ayaa soo jeedisay in la joojiyo taageerrada dhaqaale ee la siiyo Hay’adaha ku eedaysan in ay dhibaatooyin ku hayaan Bulshada sida Ciidanka ICE, waxaana ay ku goodisay in ay difaaci doonto Dadka doortay ee codkooda ay ku metasho Golaha Kongareeska Maraykanka sida ay tiri.

“Ma Habboono in aan maalgelino hay’adaha ku shaqeeya Ciqaabta Dadka, Dabcan waa kuwa kiciya rabshadaha isla markaana wiiqa xorriyadda Dadka, ICE meel kuma laha cabsi gelinta Minneapolis ama bulsho kasta oo Maraykanka ah” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Congress-ka Maraykanka.

Donald Trump ayaa dhowaan ku goodiyay in uu awood u adeegsanayo Dadka aan sharciga dalkiisa haysan oo Soomaalida ugu badan tahay kuwaas oo lagu qaban doonno Garoomada Diyaaradaha maadaama uu wax ka baddelay howlgalkii ka socday Minnesota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here