spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ilhaan Cumar oo ka hadshay toogashada ka dhacday gobolka Minnesota

Ilhaan Cumar oo ka hadshay toogashada ka dhacday gobolka Minnesota

0
33

Arbaco 7 Jun 2026 {HMC} Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto wararka ku saabsan toogashada, iyadoo haweeneydii geeriyootay ku tilmaantay “kormeer sharciyeed” oo daba soctay hawlaha ICE.

“ICE waa inay joojiyaan cabsi-gelinta bulshooyinkeenna isla markaana ay ka baxaan magaaladeenna,” ayay Ilhaan, oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan, ku qortay baraha bulshada.

Ilhaan Cumar waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka, waxaana marar badan weerarro iyo dhaleeceyn kala kulantay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here