Arbaco July, 8 2025 {HMC} Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada Maraykanka ee laga soo doorto Minnesota, Ilhaan Cumar, ayaa si adag u cambaareysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tegay dalka Mareykanka.
Qoraal ay Xildhibaan Ilhaan ku soo qortay barteeda Twitter waxaa ay ku sheegtay in Netanyahu uu geystay dambiyo dagaal oo ka dhacay magaalada Qasa, isla markaasna uu mudan in lala xisaabtamo.
“Tani waa booqashadii saddexaad ee Netanyahu uu sanadkan ku yimaado DC. Dambiilayaal dagaal looma baahna in ay martiqaadaan madaxweyne ama Congress toona. Waa in lala xisaabtamaa dambiyadiisa, loogana hortagaa in la siiyo meel uu ku hadlo. Tani waa ceeb aan la qari karin.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Netanyahu lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay bishii November ee hore soo saartay amar xarig ka dhan ah isaga iyo Wasiirkii Difaaca Yoav Gallant
Tan iyo bishii October 2023, ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 57,500 qof oo Falastiiniyiin ah intooda badanna ay yihiin haween iyo carruur, waxaana Qasa ay la tacaaleysaa burbur dhismeed, gaajo baahsan iyo cudurro faafaya.






