Jimco 30, Jan 2026 {HMC} Ilhan Omar ayaa soo jeedisay in Donald Trump uu qabo xanuunka waallida xusuusta (dementia) isla markaana uu si xad-dhaaf ah ugu mashquulsan yahay iyada, kaddib weerarradii afka ahaa ee ugu dambeeyay ee madaxweyne Trump ku qaaday.
Trump ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday xildhibaanadda Minnesota khudbad uu jeediyay Talaadadii, saacado kaddibna Omar waxaa lagu buufiyay dareere ur xun leh intii ay ka qayb-galaysay kulan dadweyne oo ay si kulul uga hadlaysay tallaabooyinka ICE ay ka wadaan Minneapolis.
“Qofka i weeraray waxa uu si gaar ah uga caroodey in amarka Trump ee masaafurinta Soomaalida uusan shaqeynin oo ah in Soomaali badan la masaafuriyo,” ayay Ilhan Omar u sheegtay wariyeyaasha.
Ilhan Omar waxay intaa ku dartay in aflagaaddada iyo hanjabaadaha ay la kulanto ay kiciyeen cambaareynta joogtada ah ee Trump si fagaare ah ugu sameeyo.
“Haddii uusan Donald Trump xilka hayn, isla markaana uusan sidaan iigu mashquulsanayn, ma ahaan lahayn meesha aan maanta joogo—inaan bixiyo kharash amni, ama in dowladdu ka fikirto inay i siiso ilaalin,” ayay tiri.
“Waa yaab in xalay oo keliya uu masraxa ka hadlayay wax yar ka hor intaan la i weerarin, isagoo iga hadlaya. Markii la weydiiyay weerarkayga, wuxuu yiri: ‘Anigu kama fikiro iyada.’
“Miyaanu xasuusan? Ma qabaa waallida xusuusta? Sidee ayaad 20 ama 30 daqiiqo masrax kaga hadashaa adigoo magacayga ku celcelinaya, ka dibna isla markiiba u tiraahdaa: ‘Ilhan kama fikiro iyada’.”
Waxay sheegtay in tirada hanjabaadaha ay heshay ay si weyn hoos ugu dhacday xilligii madaxweynenimada Biden, balse hadda ay hesho hanjabaadaha dilka ugu badan ee xildhibaan kasta oo Congress-ka ka tirsan.
“Mar kasta oo madaxweynaha Mareykanku doorto inuu hadallo naceyb ah igu weeraro aniga iyo bulshada aan metelo, hanjabaadaha dilka ah si xowli ah ayay u kordhaan,” ayay raacisay.
Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Omar isu-soo-bax saacado ka hor inta aan la weerarin.
Trump wuxuu marar badan weerar ku qaaday muhaajiriinta Soomaalida ah, kuwaas oo ah tiro muhiim ah oo ka mid ah dadka Minneapolis. Wuxuu ku tilmaamay “qashin,” wuxuuna dalbaday in Ilhan Omar oo ku dhalatay Soomaaliya la masaafuriyo ama la xiro.





