Isniin 23 March 2026 {HMC} Anwar Gargash oo ah siyaasi sare oo Imaaraadka Carabta, ahna La‑taliyaha Dibloomaasiyadeed ee Madaxweynaha UAE, horena u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru‑dawlaha Arrimaha Dibadda, ayaa hadalkii Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda kabacadi ku sii daray in Iran khatar ku tahay jiritaankooda, aysanna la heshiin doonin, lagamamaarmaana ay tahay in Iran dawlad cusub loo dhiso.
Gargash oo hadalkiisa sii caddeynaya ayaa ku sii daray, ma aqbali doono wax heshiis ah oo Iran inta Iran ay awood u leedahay inay u hanjabto marin-biyoodka Hormuz, tahay dal hubka nukliyeerka qarka u saaran, siina waddo in ay gantaalo nala beegato.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka iyo kii ka horreeyaba waxay maanta toos u caddeeyeen in hadafkoodu yahay Iran oo hubka laga dhigo, lana hoosgeeyo Israal. Waa markii ugu horreysay ee Imaaraadku mowqifka dagaalka bannaanka soo dhigo.



