spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Imaaraadka oo Qorsheynaayay in ay israaiil adeegsato saldhigyadeeda milatari.

Imaaraadka oo Qorsheynaayay in ay israaiil adeegsato saldhigyadeeda milatari.

0
27

Talaado13 jun 2026 {HMC} Dukumenti sir ah oo la dusiyay ayaa daaha ka rogay in Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ay qorsheynaysay in ay adeegsato Israel saldhigyadeeda milatari si ay u “xoojiso Israa’iil dagaalkeeda ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen argagixisada Falastiin.”

Dukumentigan, oo ay heshay isla markaana ay faafisay mareegta Emirates Leaks, ayaa si weyn u kiciyay warbaahinta ka soo horjeedda Israa’iil. Dukumentiga oo la qoray bishii Oktoobar 2023, laguna socodsiiyay Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Ciidamada Imaaraadka,

wuxuu muujinayaa in Imaaraadku damacsanaa in ay ka faa’iideystaan saldhigyadooda milatari ee ku yaalla koonfurta Badda Cas, gaar ahaan kuwa ku yaalla Yemen, Eritrea iyo Soomaaliya, si ay Israa’iil u siiyaan taageero dhinacyada milatariga, saadka (logistics) iyo sirdoonka, una gacan siiyaan dagaalka ay kula jirto XMS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here