spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Imisa Maalin ayuu internet-ka ka maqan yahay wadanka Iiraan.?

Imisa Maalin ayuu internet-ka ka maqan yahay wadanka Iiraan.?

0
21

isniin 19-Jun 2026 {HMC} Maalintii 11-aad ayuu internetka ka maqan yahay dalka Iraan. Horey tan ookale ugama dhicin taariikhda dalkaas.

92 Milyan oo shacab ah ayaa wajahayaa saameynta adeegga internet-ka oo ka go’an, taas oo horseeday in aanay isticmaali Karin talefoonadooda, xittaa farriimaha.

Dowladda Iiraan ayaa adeegyada jartay 8-dii Bishan, taas oo inta badan uga gol leedahay caburinta dadka mudaaharaadaya iyo in laga hor tago hay’adaha kormeerka sameynaya.

Dowladda ma sheegin goorta internet-ka dib loo celin doono, balse warar cusub oo la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay qorsheynayaan ay si joogto ah u jaraan internet-ka.

Kormeeryaasha xorriyadda internetka ee FilterWatch, waxay aaminsan yihiin in dawladdu ay si degdeg ah u hirgelinayso nidaamyo iyo xeerar cusub, si ay Iiraan uga gooyso internetka caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here