In ka badan 50 Falastiiniyiin ah oo duqeyn lagu dilay Gudaha Gaza

0
63

Talaado 16 July 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegay in weeraro cusub oo ay qaaday Israel lagu dilay tiro Falastiiniyiin ah oo ka badan 50 iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tiro ka badan 50 qof la dilay, waxaana dhaawacmay tiro kale markii la duqeeyay gaari marayay Mawasi oo ah goob la sheegay in ay ammaan tahay.

Weerarka kale ayaa lagu duqeeyay maqaayad u dhow iskuulka xarutna hay’adda Qaramada Midoobay UNRWA ee xerada Nuseirat.

Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in uu kordhinayo cadaadiska uu ku hayo xamaas.

Militeriga dalkiisana waxay sheegeen in ay beegsanayeen xagjiriin, waxay kaloo sheegeen in ay baarayaan wararka sheegaya waxyeelada rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here