Isniin 06 Jan 2026 {HMC} Militeriga Maraykanka aad ayey uga awood badan yihiin kuwa Venezuela. Awooda ciidamada Venezuela lama barbardhigi karo kuwa Mareykanka. Waxaa haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin mushaarka oo ku yar iyo tayada oo hooseysa.
Wadanka waa uu leeyahay awood difaac oo cirka iyo mid badda ah oo adag. Qalabka militeri uu dalka ku tiisran yahay waxaa sameeyay Shiinaha iyo Ruushka. Wadanka waxa uu awood u leeyahay in uu meel fog ka ogaado weerarada ku soo socda.
Cunaqabateynta wadanka saarneyd ayaaa keentay in qalabka militeri iyo dayactirkaba yaraadaan, taasna waxay keentay in ay daciifto awoodda radaar-rada.
Qalabka milateriga waa kuwa inta badan Ruushku sameeyay oo tobannaan sano soo shaqeynayay, tayadooduna waa kuwa liita. Caracas waxay iibsatay ku dhowaad 20 diyaaradaha dagaalka Ruushku sameeyo ee Sukhoi ah. Laga soo bilaabo sanadihii 2000 ilaa iyo hada ayey diyaaradaha soo gadaneysa.
Diyaaradahaas waxaa loo arkaa in ay ka hooseeyaan marka la barbardhigo kuwa Maraykanka ee B-2, waxaana sidoo kale duugoobay helikobtarrada, taangiyada iyo gantaallada garabka laga rido ee Ruushku sameeyay ee Venezuela haytsato.
Weerarkii Maraykanku qaaday 3-da Janaayo wuxuu u muuqday mid si gaar ah u bartilmaameedsaday radaarrada, nidaamyada difaaca cirka, saldhigyada cirka, iyo kaabayaasha badda, gaar ahaan kuwa yaalay agagaarka Caracas iyo La Guaira.
Arrintaas waxay curyaamisay hoggaanka iyo isgaarsiinta ciidanka. Inkastoo khasaaro weyn dhacay, qalab badan oo militeri ayaa weli ku haray meelo kale.
Jawaab la’aanta nidaamyada difaaca cirka waxay muujineysaa suuragalnimada in ciidanka heshiis lala gaaray. Wararka qaar ayaa sheegaya qabashada Maduro iyo iska caabin la’aanta weyn in ay ka timid kala qaybsanaan xooggan oo ka dhex jirta ciidanka Venezuela.
Maduro waxa uu talada dalka hayay laga soo bilaabo sanadkii 2013-kii, taasna waxay keentay in milateriga daacad u noqdo. Saraakiisha qaar waxa uu siiyay xilal sare.
Mushaarka askariga wadanka waxa uu gaarayaa ilaa 100 doolar bishii. Lacagtaas ayaa sida la sheegay u dhiganta shan meelood meel inta qoyska celcelis ahaan u baahan yahay si ay u daboolaan baahiyada aasaasiga ah.
Ilo-wareedyadu ayaa sheegaya ciidamada baxsanaya oo hore uga dhexjirtay qaar ka mid ah guutooyinka dalka in ay ay kordhi karto haddii uu dhaco weerar milatari oo Maraykanku qaado.
Khibradda ugu weyn ee ay askarta Venezuela heleen sannadihii u dambeeyay waxay ahayd la tacaalidda dad rayid ah oo hub la’aan ah intii lagu jiray mudaharaadyada waddooyinka.
Maduro wuxuu sheegay in ay jiraan 8 milyan oo rayid ah oo ku tababaran maleeshiyaad, balse hal ilo-wareed ayaa qiyaasay in kumannaan ka tirsan sirdoonka, taageerayaasha xisbiga talada haya ee hubaysan, iyo xubnaha maleeshiyaadka ay dhab ahaantii ka qayb qaadanayaan hadii loo baahdo tallaabooyinka difaaca.
Xigasho bbc






