intuu la eg yahay xiriirka Israa’iil iyo Turkiga?

0
16

Isniin  26, Jan 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar oo maanta ka hadlay xiriirka Israa’iil iyo Turkiga, ayaa sheegay in labada dal ay hore u lahaayeen xiriir wanaagsan, balse sannadihii u dambeeyay uu xiriirkaasi sii xumaanayay.

Sa’ar wuxuu yiri:

“Ma jirto baahi loo qabo caadiyeyn xiriirka Turkiga, sababtoo ah xiriir horey ayuu u jiray. Waxaan leenahay xiriir diblomaasi oo socday tobannaan sano.Nasiib darro, waayadan dambe xiriirka wuu xumaaday. Taasi waxay ahayd doorashadooda. Halkan kama faalloonayo sababaha. Waa xaqiiqo jirta.”

Sa’ar ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan danaynayn inay uga sii darto xiriirka ka dhexeeya labada dal, isagoo xusay in bil ka hor mas’uuliyiin sare oo labada dhinac ah ay kulmeen si loo sameeyo hab isgaarsiin oo caawin kara marka ay soo baxaan xaalado noocan oo kale ah.

Wuxuu sheegay in horey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan uu marar u gudbin jiray farriimo u dhexeeya labada dhinac, balse arrintaasi ay waayadan istaagtay.

Gebogebadii, Sa’ar wuxuu yiri:

“Waxaan rajeynayaa mustaqbal wanaagsan oo xiriirka Turkiga ah, balse arrintaasi gebi ahaanba waxay ku xiran tahay Turkiga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here