IOM oo codsatay lacag dhan $18.5M si loola dagaallamo faafida cudurka mpox ee Afrika

0
89

Jimco 23 August 2024 {HMC} IOM Hay’adda Socdaalka Aduunka ayaa Cosatay Lacag dhan $18.5 milyan si loo xakameeyo faafitaanka cudurka mpox ee ka sii daraya guud ahaan Bariga, Geeska, iyo Koonfurta Afrika.

Lacagaha waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo la siiyo bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan qaxootiga, dadka gudaha ku barakacay (IDPs), iyo bulshooyinka martida loo yahay, kuwaas oo halis weyn ugu jira sababo la xiriira xaaladaha nololeed ee liita iyo helitaanka xaddidan ee daryeelka caafimaad.

Codsigan ayaa imaanaya kaddib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay cudurka mpox ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah oo walaac leh 14-kii Agoosto 2024.

Wadanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC) ayaa si gaar ah ugu dhibban, iyadoo la soo sheegay in ka badan 15,000 oo kiisaska la tuhunsan yahay iyo 537 dhimasho ah.

Nooca cusub ee cudurka mpox ee ku faafaya gobolka ayaa leh heer dhimasho oo ah 3-4% waxaana lagu gartaa faafitaan degdeg ah iyo astaamo jilicsan, taasoo adkeyneysa dadaallada lagu ogaanayo.

Kiisaska la xaqiijiyay ee kale waxaa laga soo sheegay Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfur Afrika, iyo Uganda.

Soomaaliya weli lagama soo sheegin kiisaska cudurka mpox, haddana waxaa dalka laga hirgaliyay tallaabooyin ka hortag ah.

Ololaha wacyigelinta dadweynaha ayaa la bilaabay iyadoo lala kaashanayo wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada si loo baro muwaadiniinta astaamaha cudurka mpox iyo muhiimadda ay leedahay in la raadiyo daryeel caafimaad.

 

Shaqaalaha caafimaadka ee Soomaaliya oo dhan ayaa la tababaray si ay u aqoonsadaan ugana hortagaan kiisaska suurtagalka ah, taasoo muujineysa habka firfircoon ee ay Soomaaliya u qaadatay si looga hortago cudurka.

Codsiga IOM wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista tallaabooyinka ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa, gaar ahaan meelaha xuduudaha leh oo halista ugu badan ee faafitaanku ka jirto.

 

Lacagaha waxaa sidoo kale lagu taageeri doonaa tababarka shaqaalaha caafimaadka qaranka iyo kuwa safka hore ee jawaab-celinta, iyo sidoo kale aqoonsiga meelaha halista sare leh si si wax ku ool ah loo ilaaliyo loona xakameeyo cudurka.

 

IOM waxay qorsheynaysaa inay dhiirrigeliso ololaha wacyigelinta ee bulshooyinka qaxootiga, dadka gudaha ku barakacay, iyo kuwa martida loo yahay iyo inay xoojiso isuduwidda xuduudaha dhex mara iyadoo qayb ka ah Qorshaha Caafimaadka, Xuduudaha, iyo Maareynta Socdaalka ee baaxadda leh.

 

WHO Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku boorrisay dalalka ay saameeyeen, oo ay ku jiraan DRC, Burundi, Kenya, Rwanda, iyo Uganda, inay isku diyaariyaan ololaha tallaalka suurtagalka ah, oo inta badan lagu beegsanayo bulshooyinka halista ugu jira.

 

In kasta oo Kenya aysan weli ansixin wax tallaal ah, haddana WHO waxay ballan-qaaday inay ka caawin doonto dalalka inay dedejiyaan ansixinta sharciyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here