spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Iraan oo gantaalo culus ku garaacday Isra’il iyo Tel Aviv oo gubaneysa.

Iraan oo gantaalo culus ku garaacday Isra’il iyo Tel Aviv oo gubaneysa.

0
33

Jimco 13, June ,2025  {HMC} Milatariga dowladda Iran, ayaa weerar culus oo aargoosi ah waxa ay ku qaadeen magaalooyin katirsan Israa’iil, waxaana halkaasi ku hoobanaya gantaalo culus oo balastiik ah.

Qaar kamid ah gantaalada Iran ku garaacday Israa’iil ayaa ka gudbay nidaamka difaaca Israa’iil, waxaana la arkayay muuqaalada gantaalada qaar oo ku hoobanaya magaalada Tel Aviv iyo goobo kale.

Iran ayaa in ka badan 150 gantaal daqiiqado gudahood ku weerartay Israa’iil, waxaana mar qura is qabsaday dhawaaqa seeriga digniinta , nidaamka difaaca Israa’il ayaana ku fashilmay in ay kahor tagaan oo burburiyaan gantaalada lagu soo weeraray.

Qaar kamid gantaalada Iran ayaana ku dhacay goobo kuyaalla magaalada Tel Aviv, lamana oga wali khasaaro in ay ka dhasheen gantaalada Iran ku garaacday Israa’iil, dadka Israa’iil ayaa mar sii horreysay kala carar galay iyo in ay gabaad ka dhigtaan dhismooyin kuyaalla dhulka hoostiisa.

Dowladda Iran, ayaa ku hanjabtay in weerarkii saakay Israa’iil kusoo qaaday xarumaha nukliyeerka iyo bartilmaadmeeyo kale oo lagu dilay taliyaal iyo xubno kale oo muhiim ah ka bixin jawaab adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here