Talaado 10 March 2026 {HMC} Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in Tehran ay go’aamin doonto dhamaadka dagaalka, iyo in ciidamada qalabka sida ee Iran ay diyaar u yihiin ilaalinta saliidda iyo amniga gobolka.
Hadal ayaa waxaa soo saaray afhayeenka ciidamada ilaalada kacaanka Iran, isaga oo ka jawaabay hadaladii ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsan xaaladda ciidamada Iran iyo sheegashadiisa ku saabsan dhammaadka saamaynta Iran.
Ali Mohammad Naeini ayaa yiri: “miisaanka awoodda gobolka iyo xaaladdiisa mustaqbalka waxay hadda ku jiraan gacanta ciidamadeena qalabka sida, ciidamada Mareykanka ma soo afjari doonaan dagaalka.”
Waxa uu intaa ku daray in Trump uu ku andacooday in gobolka ay ku sugan yihiin maraakiib ganacsi iyo kuwa milatariba, si fududna ay u maraan marin biyoodka Hormuz, halka maraakiibta Maraykanka iyo dhammaan diyaaradaha dagaalka ay ka carareen gobolka masaafo ka badan kun kiilo mitir si ay isaga difaacaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Waxa uu gaashaanka u daruuray hadalka Trump ee ku aadan hoos u dhaca awooda gantaalada Iran, waxana uu carabka ku adkeeyay in gantaalada Iran ay hadda ka awood badan yihiin sidii ay ahaan jireen bilowgii dagaalka,waxana uu sheegay in ay wataan culays weyn iyo madaxyo dagaal oo miisaankoodu ka badan yahay hal tan, waxana uu sheegay in ay bartilmaameedsanayaan saldhigyada Maraykanka iyo Israel.
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ee Iran “aysan ogolaan doonin in hal litir oo saliid ah laga dhoofiyo gobolka oo loo dhoofiyo dhinaca cadowga iyo la-hawlgalayaasheeda ilaa amar dambe, iyo in dhaqdhaqaaqooda lagu dhimayo laguna xakameynayo qiimaha saliidda iyo gaaska ay noqon doona kuwo ku meel gaar ah oo aan waxba tarayn.”
Naeini ayaa u digay Washington, isagoo yiri, “Ciidamada qalabka sida ee Iran ay ciidamada badda ee Mareykanka ku sugayaan marin biyoodka Hormuz iyo sidoo kale in ay sugayaan markabka diyaaradaha xambaara ee Maraykanka Gerald Ford, waxa uu sheegay; (dhamaadka dagaalka wuxuu ku jiraa gacanta Iran.”
Hadalka Iran ayaa imaanaya iyada oo madaxweyne Trump mar uu ka jawaabayay su’aal uu weriye ka weydiiyay inta uu socon doono “howlgalka milatari” ee Maraykanku ku weeraray Iiraan, Trump uu sheegay in howlgalkaasi uu dhammaan doono “dhawaan”, laakiin ma aha toddobaadkan.
“Waxaan u maleynayaa dhowaan. Wax kasta oo ay Iiraan lahaayeen way dhammaadeen, oo uu ku jiro hoggaankoodii,” ayuu yiri.
Trump wuxuu sidoo kale yiri: “Dadka badankood xitaa ma maqlin hoggaamiyaha ay ka hadlayaan inuu beddelo aayaatollah-ka.”
Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa mar kale digniin u diray Iran taasoo ku saabsan carqaladaynta maraakiibta ee Marinka Hormuz.
“Haddii Iiraan ay sameyso wax kasta oo joojinaya socodka shidaalka ee Marinka Hormuz, waxaa ku dhici doona weerar ka imanaya Maraykanka oo labaatan jeer ka adag wixii hore loogu garaacay,” ayuu Trump ku yiri bayaan uu ku daabacay internetka.
Qiyaastii 20% shidaalka adduunka ayaa mara marinkan, dagaalkuna wuxuu si weyn u yareeyay isu socodka maraakiibta badda, sidoo kalena wuxuu sare u qaaday qiimaha shidaalka ee caalamka.
“Intaa waxaa dheer, waxaan burburin doonaa bartilmaameedyo si fudud loo baabi’in karo, taasoo ka dhigi doonta mid ku dhow in I9ran aysan mar kale u suurtagelin inay dib isu dhisto dalkeeda, Geeri, Dab iyo Caro ayaa ku soo degi doontaa, Laakiin waxaan rajeynayaa in arrintaas aysan dhicin,” ayuu yiri.
Donald Trump ayaa sheegay in hadda ay jiraan dhowr bartilmaameed oo Maraykanku weli aan gaarin, balse la burburin karo “hal maalin gudaheed.”



