spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Iran oo mar kale ku Celisay in ay Weeraridoonaan Saldhigyada Mareykanka Bariga...

Iran oo mar kale ku Celisay in ay Weeraridoonaan Saldhigyada Mareykanka Bariga dhaxe.

0
6

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka  Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa waraysi uu maanta sii daayay wargeyska Indian Today, wuxuu ku sheegay:

“Haddii Mareykanku go’aansado inuu na soo weeraro, saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka waxay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah.Annagu uma aragno inay yihiin dhul ay leeyihiin dalalka deriska ah ama waddamada ay ku yaallaan, balse waxaan u aragnaa inay yihiin saldhigyo Mareykan ah.

Markii hore, markii aanu ku qasbanaanay inaan weerarno saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Qatar, waxaan ka hor weerarka la xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.Waxaan si cad ugu sheegay in weerarku uusan ahayn mid ka dhan ah Qatar, balse uu yahay mid lagu beegsanayo xarumo Mareykan ah oo ku yaalla dalkaas.Waxaan rabnay inay fahmaan farqigaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here