Jimco 2, Jan 2026 {HMC} La taliyaha sare ee hoggaamiyaha Iiraan, Cali Shamkhani, oo loo arko mid ka mid ah ragga beddeli kara Cali Khamenei, ayaa ka jawaabay hanjabadii ka soo baxay Trump oo uga digay Iiraan haddii ay iskudaydo inay xoog u adeegsato bannaanbaxyada ka socda magaalooyinka Iiraan inuu Mareykanka soo faragelin doono.
Shamkhani, ayaa yiri ;
“Shacabka Iiraan si wanaagsan ayay u yaqaannaan Mareykanka marka uu adeegsanayo; waxaan badbaadinayna shacabka , waa wax ku dhammaanaya wixii ka dhacay Ciraaq, Afgaanistaan illaa Qasa , balse gacan kasta oo faragelin ah oo ku soo wajahan amniga Iiraan, marmarsiiyo kasta ha wadata ee, waa la jari doonaa ka hor inta aysan gaarin ujeeddadeeda, iyadoo lagu jawaabi doono tallaabo keeni doonta qoomammo.”



